Home » Ciyaaraha » “Kama baqayno Spain” – Antonio Conte oo ka hadlay kulanka ay wajahayaan Spain

“Kama baqayno Spain” – Antonio Conte oo ka hadlay kulanka ay wajahayaan Spain
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:28 AM

Tababaraha xulka qaranka talyaaniga ee Antonio Conte ayaa ka hadlay kulanka wareega 16-ka ay laciyaari doonaan xulka difaacanaya koobka Euro.

Antonio Conte ayaa sheegay in wiilashiisu ay ka hortagayaan xulka ugu adag aduunka laakiin wuxuu ku dooday in lagu kala bixi doono gudaha garoonka.

“Maxaa keenaya inaan dareeno cabsi? wiilashaan waxay soo bandhigayaan wax walba oo karaankooda ah sifiican ayeeyna u shaqaynayaan, waa inaan siiwadnaa shaqada” ayuu yiri Antonio Conte.

“Hadafkeena koowaad wuxuu ahaa inaan gaarno wareega 16-ka, haatan waxaan laciyaaraynaa mid kamid ah xulalka u sharaxan hanashada koobka, waa inaan xusuusanaa halka aan ka nimid”.

“Waxaan laciyaari doonaa xulka ugu adag aduunka, taas waa mid aan wada ognahay laakiin waxaa lagu kala bixi doonaa gudaha garoonka”.