Home » Ciyaaraha » Kartoonka Maanta iyo kaftanka England iyo Wales yaa loo geliyey Taajka Boqornimada?

Kartoonka Maanta iyo kaftanka England iyo Wales yaa loo geliyey Taajka Boqornimada?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 5:51 PM

Waxaa la soo Saaray Kartoon lagu muujinayo sida dalalka England iyo Wales ay ugu Xafiiltamayaan kubada Cagta ka dib markii dalka Wales oo kaalinta koowaad kaga soo baxay Gruubkii ay ku wada jireen dalka England.

Kartoonka ayaa laga Matalay Xidiga dalka Wales ee Gareth Bale oo loo geliyey Taajka boqortooyada Britain iyo Wayne Rooneey oo arintaas aad uga Xanaaqsan Waxaana laga wadaa Bale dalkiisa Waxa uu ku soo Saaray kaalinta koowaad adna kaalinta labaad ayaad tahay.

Wadamada England iyo Wales oo laysku yiraahdo Britain ayaa kuwada jirey Gruub B weliba markii ay dheeleen Waxaa badisay England hadana Wales oo uu Hogaaminayo Xidiga Real Madrid ee Bale ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday Taas oo weji gabax ku noqotey dalka England Taageerayaashuna aad uga Xumaadeen.image