Home » Ciyaaraha » KASHIFAAD: Karim Benzema Oo Fashilay Sababta Uu Tababare Didier Deschamps Uga Reebay Xulka France

KASHIFAAD: Karim Benzema Oo Fashilay Sababta Uu Tababare Didier Deschamps Uga Reebay Xulka France
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-06-16 7:23 AM

Weeraryahanka xulka  France Karim Benzema ayaa ku eedeeyey tababaraha xulkiisa Didier Deschamps inuu ajiibay cadaadiska uga imaanaya xisbiyada siyasadeed ee dalkiisa, gaar ahaan kuwa midadtakoora dadka madawga ah.

Xiddiga Real Madrid ayaan lagu darin xulka France ee ciyaaraya Euro 2016, Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska ayaana tilmaamay inuu Benzema u baahan yahay inuu midnimada ka shaqeeyo isla markaana uu sugo natiijada kasoo baxda baaritaanka lagu hayo eedeymaha loo soo jeediyey ee ah inuu saaxiibkiisa xulka France Mathieu Valbuena weydiistay lacag baad ah ka dib markii lagu duubay muuqaal isagoo la galmoonaya saaxiibtiiis, arrintaas ayaana keentay in laga ganaaxo ciyaaraha caalamiga ah ee qarankiisa bishii December ee sannadkii tegay.

Weeraryahankii hore ee xulka France Eric Cantona ahna halyeey usoo ciyaaray Manchester United ayaana arrinkaan ka hadlay, wuxuuna soo jeediyey in sababta Benzema, iyo Hatem Ben Arfa xulka looga reebay ay tahay dhaxaltooyada ah inay asal ahaan kasoo jeedaan qaaradda Africa.

Benzema, oo 28 sanno jir ah, ayaana sheegay inuu dareemay sida inuu tababaraha xulka France Deschamps dhegeystay xisbiyada siyaasadeed ee awoodda leh ee ku dagaalamaya ololaha doorashada taasoo uu sheegay inay saameyn ku yeelatay soo xulashadiisa qaranka Faransiiska ee ka qeybgelaya ciyaaraha Euro 2016 ee ay martigelin doonaan xagaagaan.

“Wuxuu ajiibay cadaadiska uga imaanaya xisbiyada cunsuriyiinta ah ee dalka France,” ayuu u sheegay majaladda Marca ee kasoo baxda dalka Spain. “Waa uu ogyahay in xisbiyada xagjirka ah ee France ay gaareen wareega labaad, labadii doorasho ee ugu dambeysay.

“Aniguna middaas kama warqabo, sidaas darteed, waxaan dareemay in go’aankaan uusan kasoo maaxan keliya tababare Didier, waxaan dareemay inay dad kale usoo jeediyeen sida madaxweynaha iyo qaar kale”.

Benzema, oo kooxdiiisa Real Madrid u dhaliyey 28 gool xilli ciyaareedkaan, ayaase sheegay inuu weli u furan yahay inuu u ciyaaro xulka France. Wuxuuse tilmaamay in aysan jirin sabab xulka looga reebo marka aad eegto qaab ciyaareedkiisii heerka kooxeed ee ay Los Blancos ku hanatay koobkeedii 11aad ee UEFA Champions League xilli ciyaareedkaan.

“Marka aan u hadlo qaab isborti, ma fahmayo sababta,” Benzema ayaa sidaasi ku daray hadalkiisa. “Haddii aan u hadlo qaab sharci, ma ihi shaqsi xukun lagu riday, sidaas darteed dembiile ma ihi. Sidaas darteed bal aan sugno oo aan aragno waxa ay cadaaladdu ka dhahdo arrinkaan. Waanse jeclahay kubadda cagta iyo u ciyaarista xulkeyga.”