Home » Ciyaaraha » Kevin De Bruyne oo kusoo dhaweyn doono weeraryahan Zlatan Ibrahimovic horyaalka Ingiriiska ee Premier League

Kevin De Bruyne oo kusoo dhaweyn doono weeraryahan Zlatan Ibrahimovic horyaalka Ingiriiska ee Premier League
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 20-06-16 1:32 PM

Kevin De Bruyne-ka Manchester City ayaa sheegay in Zlatan Ibrahimovic ka mid noqoshadiisa Premier League ay horyaalka u wanaagsan tahay.

Ibrahimovic waxa uu tijaabo caafimaad u jiraa in uu De Bruyne kula soo biiro Manchester, kaddib markii uu bishan dhamaaday qandaraaskii uu Paris Saint – Germain kula jiray.

De Bruyne waxa uu Sky Sports,u sheegay in imaanshaha kooxda ay is xifaaliyaa u wanaagsan tahay 34 jirka u dhashay Sweden.
“Waxaan qabaa in ay u wanaagsanaan doonto isaga caadiyan.

“Hore dhow magaalo ayuu ugu soo noolaaday, markaa wuu iska taxadari doonaa.

“In uu nagu soo biiro waa mid wanaagsan, u wanaagsan horyaalka.”

Dhinaca kale De Bruyne waxa uu beeniyey in xasarado ka dhex aloolsan yihiin guda xulka qaranka Belgium.

“Dadka hadalka wey ka helaan, wey ka helaan dheleeceynta. Waa weyb ka mida dheesha,” ayuu yiri.

“Ma qabo in ay tahay qodob.”