Home » Ciyaaraha » Kooxaha Arsenal Bayern Iyo Zenit Oo Isku Baacsana Xidig Muhiim Ka Inter milan

Kooxaha Arsenal Bayern Iyo Zenit Oo Isku Baacsana Xidig Muhiim Ka Inter milan
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 7:13 AM

Kooxda Kubada cagta Arsenal ayaa ku soo biirtay loolanka ay ugu jiraan kooxaha Bayern Munich iyo kooxda reer Russia Zenit soo xero galinta daafacaa reer Colombia kana tirsan Naadiga Intermilan ee reer Talyaani laguna magacabo Jeison Murrilo.

Sky sports Italia y ayaa soo warineeysa In Inter ay heleyso dalabyo badan oo ka imaanaya kooxaha qaaradda yurub

Inter ayaa xidigaan kala soo saxiixatay sanadkii hore kooxda Granada oo Laliga ka tirsan waxayna ku soo qaateen 10m maanta xidigaan waxa uu suuqa kamarayaa 20 ilaa 25m.

 

Xili ciyaareedkii tagay waxa uu caawiyay 2 gool isagoona saftay 34 kulan Murrilo ayaana muhiim u ahaa macalin Roberto Mancini.

 Arsenal ayaana dooneeysasaxiixa xidigan inay ka dulqaado kooxda Bayern Munich Oo Uu qabtay Macalinka Reer Talyaani Carlo Anjeloti Iyo Kooxda Reer Russia Zenit St Petersburg.