Home » Ciyaaraha » Kooxaha Liverpool iyo West Ham United oo ku hardamayo saxiixa Kabtankii hore ee kooxda Gunners Thomas Vermaelen.

Kooxaha Liverpool iyo West Ham United oo ku hardamayo saxiixa Kabtankii hore ee kooxda Gunners Thomas Vermaelen.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 9-06-16 1:19 PM

Liverpool iyo West Ham United ayaa lasoo tabinayaa iney xiiseynayaan helista adeega daafaca kooxda Barcelona Thomas Vermaelen xagaagan.

Daaficii hore ee kooxda Arsenal ayaa 15 Milyan oo ginni ugu biiray kooxda ka dhisan gegida Camp Nou kadib shan xilli ciyaareed uu ku qaatay kooxda ka dhisan caasimada dalka Ingiriiska ee London.

Sida lagu daabacay wargeyska Sport, Macalinka kooxda Catalans ka ee Barcelona ayaa wado qorshe uu kooxda kaga dirayo xidigan aan booska joogtada ka heysan kooxda Barca, waxaana la aminsan yahay in Vermaelen uu mari doono wadadii uu maray Mac Bartra kaas oo horaantii todobaadkan ku biiray kooxda Borussia Dortmund.

Vermaelen ayaa u muuqda mid door bidi doono aadida kooxda uu leyliyo Slaven Bilic ee West Ham maadaama kooxda Hammers ka lagu naaneeso ay ka qeyb galeyso tartanka koobka kooxaha Yurub, hadana iyada oo ay jirto waxaa soo if baxayo warar sheegayo in labada kooxood ee West Ham iyo Barca aaney yeelan wax wada hadal oo ku aadan xidigan.

Macalinka kooxda Reds ka Jurgen Klopp oo goor sii horeysay lasoo saxiixday Joel Matip, hadana waxa uu doonayaa macalinkan reer Jarmal inuu sameeyo saxiix kale oo daafac dhexe ah inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga xagaagan.