Home » Ciyaaraha » Kooxda Arsenal oo Beenisay in wada hadal kula jirto Xidiga kooxda Leicester City Riyad Mahrez .

Kooxda Arsenal oo Beenisay in wada hadal kula jirto Xidiga kooxda Leicester City Riyad Mahrez .
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 9-06-16 1:20 AM

Arsenal ayaa iska fogaysay in ay xiiso u qabta adeega xiddiga Kooxda Leicester City  Riyad Mahrez.

Kooxda Gunners ayaa ku dhow in ay soo afjarto hishiiska Cayaariyahan Jamie Vardy, sida uu qoray wargayska Mirror Football.

Warbaahinta maxaliga ee gudaha dalka England ayaa hore u sheegtay in Kooxda Gunners ay diiradda saartay lasoo wareegista xiddigii ku guulaystay abaalmarinta  PFA Player of the Year Riyad Mahrez, ka dib markii ay ku dhawaatay adeega  Vardy.

Xiddiga heerka Caalami dalka Algeria Messi-ga Africa ee Horyaalka Premier League ayaa xagaagan u dhaliyay 17-gool isagoo ka caawiyay 11-kale oo dheeraad ah saaxiibadiisa Kooxda Dawacooyinka oo xagaagii hore noqday horyaalka England taariikhda markodii ugu horeysay.

Kooxda Ku Ciyaarta garoonka Emirates ayaa si cad u sheegtay inaysan u baahneen dhaliyaha Kooxda King Power Riyad Mahrez.