Home » Ciyaaraha » Kooxda Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Gooldhaliye U Dhashay Dalka Japan

Kooxda Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Gooldhaliye U Dhashay Dalka Japan
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 30-06-16 6:06 AM

Kooxda Arsenal ayaa dalab ka gudbisay weeraryahanka u dhashay dalka Japan ee Takuma Asano.

21 sanno jirkaan ayaa haatan u ciyaara kooxda Sanfrecce Hiroshima wuxuuna afar kulan u saftay xulka qaranka Japan.

Asano ayaa dhaliyey 25 gool 91 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyey ee caalami ah ciyaaray sannadkii 2013kii, waxaana lagu qiimeeyaa mid ka mid ah xiddigaha mustaqbalka dhalaalaya leh ee usoo baxaya kubadda cagta Japan.

Markii wax laga weydiiyey dalabka ay kasoo gudbisay Arsenal, Asano ayaa u sheegay joornaaliistaha reer Japan ee Shintaro Kano: “Xoogaa waan la yaabay dalabkaan. Laakiin waxaan isku qabaa kalsooni ah inaan guulo ku gaari karo meelkasta oo aan aado.

“Haddii aan baxo, waxaan qabaa aragti ah inaan guulo gaari doono. Haddii amaah la iigu diro koox kale, waxaan qaban doonaa shaqo boqolkiiba 100 ah si aan guulo u gaaro isla markaana kooxda milkiyaddeyda leh aan uga dhaadhiciyo inay dib iisoo ceshato.”