Home » Ciyaaraha » Kooxda Barcelona Oo Heshay Badalka Marc Bartra Horyaalkee Ayuu Ka Ciyaaraa

Kooxda Barcelona Oo Heshay Badalka Marc Bartra Horyaalkee Ayuu Ka Ciyaaraa
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 7:59 AM

Kooxda Barcelona ayaa shalay ku dhawaaqday in daafaca xulka qaranka Spain ee Marc Bartra uu ka tagay kooxda Barcelona kuna biiray kooxda Borussia Dortmund heshiis dhan 8 million  sida ay sheegayaan wararku.

El Mundo Deportivo ayaa sheegtay in kooxda Barcelona ay qarka u saarantahay helitaanka daafacii ay badalka uga dhigi lahaayeen  Bartra xilliyada soo socda.

Wararka ayaa inta ku daray in daafac kooxda Lyon iyo xulka qaranka france ee Samuel Umtiti uu qarka u saaranyahay in uu ku biiro kooxda Barcelona si ay kooxdu ugu adkayso daafaceeda xilli ciyaareedka dambe.

xiddigan ayaa ka ciyaari kara 4 boos ee daafaca waxan laga yaabaa in kooxda Barcelona soo gabagabayso saxiixa daafacan inta lagu guda jiro Euro 2016.