Home » Ciyaaraha » Kooxda Barcelona Oo Qarka U Saaran Iney La Soo Wareegto Daafaca lagu magacaabo Marlon Santos

Kooxda Barcelona Oo Qarka U Saaran Iney La Soo Wareegto Daafaca lagu magacaabo Marlon Santos
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 26-06-16 7:26 AM

Barcelona ayaa qarka u saaran iney la soo wareegto daafaca Brazilian ka ah ee  Marlon Santos oo ay amaah ku soo qaadaneyso kadibna ay la wareegi karto, waxayna wada hadal meel wnaagsan maraya kula jiraan kooxda Fluminense wuxuuna xidiga marka hore ku biiri doonaa kooxda macalin Gerard Lopez ee Barcelona B team.

Marlon ayaa hore ugu dhawaa inuu u dhaqaaqo dalka Spain markii ay kooxdiisa Fluminense wada hadalo la gashay kooxda Villarreal.

Saxooxa xidigaan ayaa imanaya kadib markii ay Barça ku fashilmayay saxiixa Gerson oo ku biiray kooxda  Roma laakin wada hadalkii dhexmaray kooxdaan iyo dhigeeda Fluminense ayaa siiyay fursad ay kula soo wareegi karto ciyaariyahan kale.

 

Shabakada ciyaaraha gobolka Catalnka ee Sport ayaa xaqiijisay in ciyaariyahanka uu ku soo biiri doono Barce todobaadka danbe.