Home » Ciyaaraha » Kooxda Barcelona oo xusul duub ugu jirta sidii ay ku heli laheyd daafaca u dhashay dalka Talyaaniga Darmian.

Kooxda Barcelona oo xusul duub ugu jirta sidii ay ku heli laheyd daafaca u dhashay dalka Talyaaniga Darmian.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-07-16 12:13 PM

Kooxda Barcelona ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro daafaca midig ee kooxda Man United Matteo Darmian kaas oo la filayo inuu isaga hayaamo kooxda ka dhisan gegida Old Trafford ee Manchester United.

Wargeyska ugu carabka dheer gobolka Catalonia ee El Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in kooxda Barcelona ay quud darreyneyso sidii ay ku heli laheyd daafacan u dhashay dalka Talyaaniga.

Matteo waxa uu kamid ahaa raxan ciyaaryahano ka xamaalato horyaalka Ingiriiska kuwaas oo ku fashilmay xalay iney dhaliyaan guul ku laadyadii ay isla gaareen xulalka Italy iyo Germany.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in kooxda Catalans ka ay sidoo kale dooneysa ciyaaryahano dhowr ah waxaana hor kacayo daafaca kooxda AC Milan De Sciglio, Fabian Johnson iyo Wendell.