Home » Ciyaaraha » Kooxda Borussia oo ku dhawaaqday iney dhameystirtay heshiiska ay kusoo qaadaneysay Guerreiro

Kooxda Borussia oo ku dhawaaqday iney dhameystirtay heshiiska ay kusoo qaadaneysay Guerreiro
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-06-16 1:04 PM

Daafaca Raphael Guerreiro ayaa dhameystiray u wareegistii kooxda Borussia Dortmund xilli uu daafaca kasoo hayaamay kooxda ka dhisan dalka France ee Saint Lorient qalinka ugu duugay kooxda reer Jarmal heshiis afar sano ah.

Shalay (Arbaco) ayaa lasoo tabiyey in Guerriero loo ogolaaday inuu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Borussia Magaalada Paris, balse hada waxaa la cadeeyey in ciyaaryahanka u dhashay dalka Portugal garabka bidixna ka ciyaaro inuu u saxiixay afar sano ah iyada oo aan la shaacin qiimaha uu ugu wareegay kooxd ka xamaalata horyaalka Bundesliga ha.

Madaxa dhanka ciyaaraha Borussia Michael Zorc oo la hadlayey webka kooxda BVB ayaa yiri “Raphael Gurriero waa ciyaaryahan tayo wanaagsan awoodna u leh ka ciyaarista dhowr boos, waxaan ku faraxsanahay inuu doortay kooxdeeda”.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Guerreiro uu waqti xaadirkan ku mashquulsan yahay gudashada waajibaadka dalkiisa isaga oo u matalay Portugal koobka Euro 2016 ka, waxa uuna u dhaliyey kooxdiisa Lorient 10 gool 102 kulan oo uu kasoo muuqday sedexdii sano ee uu ku sugnaa horyaalka Ligue 1 ka.