Home » Ciyaaraha » Kooxda Chelsea oo hor kecaysa tartanka logu jiro Candreva

Kooxda Chelsea oo hor kecaysa tartanka logu jiro Candreva
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 16-06-16 6:49 PM

Inter Milan ayaa ka war haysa xaalada Kooxda Chelsea kaasi oo ku aadanaa saxiixa Kabtanka Kooxda Lazio Antonio Candreva.

Hogaamiyihii hore ee Kooxda Bionconeri Antonio Conte ayaa diyaar u ah in uu ku garaaco dhigiisa Nerazzurri xilli uu soo bandhigay qiimo dhan € 25-million si uu u helo adeegiisa.

Ciyaaryahanka garabka midig ee Kooxda Lazio ayaa soo jiitay indhaha qaar ka mid ah Kooxaha qaarada Yurub kulaankii furitaanka tartanka Euro 2016-ka, xilli guul 2-0 ay ka gaareen xidigaha Xulka Qaranka Belgium-ka, isagoo caawiyay goolkii labaad uu dhaliyay Cayaariyahan Graziano Pelle.

Sida laga soo xigtay Jariiradaha La Gazzetta dello Sport iyo La Repubblica, Chelsea ayaa sarre u qaadaysa xiisaha ay u qabto Candreva, hase ahaatee Roberto Mancini ayaa doonaya in uu ku garaaco saxiixa Candreva Naadiyada Chelsea, Napoli iyo Atletico Madrid oo dhamaantod wada doonaya adeega Candreva.