Home » Ciyaaraha » Kooxda Everton oo qorshe cusub u dageysa dhamaan kooxaha doonayo saxiixa daafacooda reer England Stones.

Kooxda Everton oo qorshe cusub u dageysa dhamaan kooxaha doonayo saxiixa daafacooda reer England Stones.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-07-16 12:19 PM

Kooxda kubadda Cagta Eveton ayaa dooneysa iney dul dhigta daafaceeda John Stones 50 Milyan oo ginni si ay ugu ceshato kooxaha doonayo saxiixiisa.

John Stones oo 22 jir ayaa kamid noqday ciyaaryahanada loogu doonista badan xagaagan suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada, iyada oo ay kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola ee Man City ay noqotay kooxdii ugu dambeysay ee soo dalbatay xidigan.

macalinka cusub ee kooxda Everton Ronald Koeman ayaanan weli wax go’aan rasmi ah kasoo saarin kooxdiisa cusub ee Everton xilli uu macalinkan weli si rasmi uusan u tagin xarunta tababarka kooxda Everton.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in John Stones qudhiisa uu doonayo inuu isaga hayaamo kooxda ka dhisan gegida Goodison Park si uu u ciyaara koobabka caalamiga ah ee Yurub laga ciyaaro.