Home » Ciyaaraha » Kooxda Manchester United oo 48 Saacadood ku soo afjaraysa Heshiiska Zlatan Ibrahimovic

Kooxda Manchester United oo 48 Saacadood ku soo afjaraysa Heshiiska Zlatan Ibrahimovic
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 8:28 PM

Wararka ka imaanaya dalka France ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Maamulka Manchester United ay halkaa Gaareen Goordhow si ay u soo gaba gabeeyaan heshiiska Weeraryahanka dalka Sweden ee Zlatan Ibrahimovic.

Cayaaryhaankii hore ee PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa lasheegayaa in heshiiska uu ugu wareegi doono Manchester United la soo Gaba gabayn doono 48 Saacadood ee soo socota.

Wargeyska Manchester Evening News.ayaa daabacay in Cayaaryahanka dalka Sweden uu Saxiixi doono heshiis 1 Sano ah oo uu kooxdaas ugu dheeli doono isaga oo mushaar ahaan u qaadan doona Lacag dhan Afar Boqol oo kun oo Lacgta England ah,