Home » Ciyaaraha » Kooxda Manchester United oO shaacisay xiliga rasmiga ah ee Zlatan Ibrahimovic kusoo biirayo .

Kooxda Manchester United oO shaacisay xiliga rasmiga ah ee Zlatan Ibrahimovic kusoo biirayo .
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 6:24 AM

MANCHESTER UNITED ayaa ogolaan doonta in Zlatan Ibrahimovic ay sugaan ilaa inta uu ka dhacayo qandaraaskii uu kula joogay Paris St-Germain ka hor inta uusan xaqiijin inuu yahay saxiixii ugu horeeyay ee xagaaga.

Taageerayaasha United ayaa loo sheegay in ay sugaan illaa June 30 markasoo ah waqtiga rasmiga ah oo ay kusoo dhaweyn doonaan xiddiga reer Swedish garoonka Old Trafford.

Weeraryahanka iyo wakiilkiisa, Mino Raiola ayaa laga doonayaan gunno £ 4m ,haddii Ibrahimovic dhowr toddobaad ka hor heshiiskiisa Parc des Princes oo dhamaan koox kale uu ku biiro,

Ibrahimovic, oo 34 jir ah, wuxuu noqon doonaa saxiixa ugu horeysa ee xiddig weyn ah uu ku dhawaaqo Jose Mourinho oo muddo wadahadal kula jiray.