Home » Ciyaaraha » Kooxda Manchester United Oo Xiddig Ka Doonaysa Horyaalka Serie A

Kooxda Manchester United Oo Xiddig Ka Doonaysa Horyaalka Serie A
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 12-06-16 7:23 AM

Kooxda Manchester United ayaa dooneysa in ay hesho adeegga xiddiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Inter MIian ee Joao Miranda .

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in tababare Jose Mourinho uu xiiseynayo inuu helo saxiixa xiddigan wakhtiga soo socda.

Sidoo kale, maamulka Red Devils ayaa diyaariyay dalab gaadhaya 20Million si ay u helaan xiddigii hore kooxda Atletico Madrid.

Xiddigan ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay markii uu joogay kooxda Atletico Madrid sidaa darteed xiddigaan ayaan boos joogto ah ka helin kooxda Inter Milan waxaana laga yaabaa in uu soo dhaweeyo dalabka kooxda Manchester United.