Home » Ciyaaraha » Kooxda PSG oo si lama filaan ugu dhaw iney ka dulqaado Man United iyo Chelsea saxiixa ciyaaryahanka Real

Kooxda PSG oo si lama filaan ugu dhaw iney ka dulqaado Man United iyo Chelsea saxiixa ciyaaryahanka Real
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-07-16 11:43 AM

Macalinka cusub ee kooxda PSG ayaanan wax waqti ah iska lumin tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda ka dhisan caasimada dalka France ee Paris Saint-Germain.

macalinkii hore ee kooxda Sevillia Unai Emre ayaa sameeyey durba saxiixyo waxa uuna lasoo saxiixday ciyaaryahanada kala ah Hatem Ben Arfa, Grzegorz Krychowiak.

balse wargeyska ugu carabka dheeer dalka Spain ee AS iyo Yahoo Sport ayaa isku raacay in kooxda ku faanta hantida ninka reer Qatar ay dooneyso sidii ay dib ugu soo celin laheyd ciyaaryahanka u dhashay dalka Colombia horyaalka Ligue 1 dalka France.

Doonistan ay dooneysa PSG ciyaaryahan James ayaa dhabar jab weyn ku noqon karta kooxaha ka wada dhisan cariga Ingiriiska ee kala Man United iyo Chelsea oo u hanqal taagaya saxiixa ciyaaryahankii hore ee kooxda Lyon James Rodriguez.