Home » Ciyaaraha » Kulan Lagu Caajiso Ka Dib Brazil Oo Barbardhac La Gashay Xulk Ecuador, Xilli Gool Laga Diiday Miler Bolaños

Kulan Lagu Caajiso Ka Dib Brazil Oo Barbardhac La Gashay Xulk Ecuador, Xilli Gool Laga Diiday Miler Bolaños
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 7:42 AM

Brazil ama Ecuador shabaqa sooma taaban iyadoo kulankoodii Copa America Centenario ee safka Group B kana dhacay Pasadena uu barbardhac goolal la’aan ah kusoo dhammaaday.

Kulankii ka dhacay garoonka Rose Bowl ayaa si hoose ku bilowday, iyadoo aysan labadaan xul helin fursado fiican qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin sheekada ugu weyn waxay aheyd in gool sax ahaa laga diiday Ecuador, taasoo u sahli kartay inay qaataan seddaxda dhibcood ee kulankaan.

Karoos uu soo qaaday Miler Bolaños ayaa si qariib ah shabaqa usoo taabtay ka dib qalad uu sameeyey goolhayaha xulka Brazil Alisson, laakiin kubadda waxaa laga soo saaray diilinta shabaqa iyadoo garsooruhu uu qaatay go’aan ah in aysan kubaddu diilinta dhaafin.

Si kastaba ha ahaatee, ku celisyadii dib loo daawaday waxay muujiyeen in gool sax ah laga diiday xulka Ecuador.

Brazil ayaa laba isbedel ku sameysay shaxdii ay kulankeedii ugu dambeysay ee saaxiibnimo uga badisay xulka Panama, iyadoo Miranda keydka loo dallacay ka dib markii dhaawac muruqa ah uu soo gaaray.  Luiz Gustavo ayaa sidoo kale laga reebay ciyaartoyda kulankaan loo soo xushay sababo la xiriira arrimo u gaar ah oo heysta. Douglas Santos ayaana daafaca dambeedka dhexe ka garab ciyaaray Marquinhos, Casemiro iyo Filipe Luis.