Home » Ciyaaraha » Kurt Zouma Oo Ugu Dambayn Xaqiijiyey Xilliga Uu Garoomada Dib Ugu Soo Laabanayo,

Kurt Zouma Oo Ugu Dambayn Xaqiijiyey Xilliga Uu Garoomada Dib Ugu Soo Laabanayo,
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 14-06-16 10:52 AM

Wiilka dhaawca xun soo gaaray ee kooxda Chelsea Kurt Zouma ayaa la dhibtoonayay dhaawac cabsi leh oo ka soo gaaray intii lagu guda jiray ciyaartii Chelsea ay Stamford Bridge ku marti galisay kooxda Manchester United bishii Feebaraayo.

Laacibkaan sooman oo muslimka ah oo 21 jir ah ayaa waxaa dilaacay seed gudaha jilibka kaa oo sababay inuu seego intii ka harsanayd Premier League iyo waliba tartanka xiisaha badan ee Euro 2016 oo ku matali lahaa xulka Faransiiska.

Isagoo arintaas ka hadlaya ayuu yiri“Si adag ayaan u shaqeynayaa maalin kasta, laga soo bilaabo tobanka ilaa afarta, waxaan ka shaqeynayaa jilibka iyo wadnaha,” Zouma ayaa sidaa u sheegay The Telegraph.

“Diyaar ma noqon doono bilowga kal ciyaareedka cusub, laakiin dakhtarku wuu ku faraxsan yahay xaalada jilibkeyga waxaana dareemayaa si fiican. Waa inaan taxadaraa isla markaana aan ku soo deg degin garoomada, sidaa darteed waqtigeyga ayaan qaadan doonaa.

Isagoo Ka Hadlyey Xulka Uu Taageerada U Yahay ciyaaraha Euro ayuu yiri “Waxaan ahay taageere Faransiis ah waana daawan doonaa kulank kasta. waa tartan muhiim ah waxaana dooneynaa inaan ku guuleysano. waxaan heysanaa shaxda midaa sameyn karta.