Home » Ciyaaraha » LA OGAA: Ma Ogtahay xulka uu taageeri doono macalin Wenger ciyaaraha Euro 2016, ma ahan France ama xul looga baqayo inuu qaado tartanka

LA OGAA: Ma Ogtahay xulka uu taageeri doono macalin Wenger ciyaaraha Euro 2016, ma ahan France ama xul looga baqayo inuu qaado tartanka
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 7:07 AM

Aaron Ramsey ayaa shaaca ka qaaday in Arsene Wenger uu kamid yahay taageerayaasha Wales ee Euro 2016.

Ramsey iyo weeraryahanka Real Madrid Gareth Bale ayaa la filayaa in ay u horseedaan Welsh guul tartanka Euro ee ka furmaya France,

Wales ayaa ka qeyb geli doona tartankii ugu horeeyay ee rasmi ah  ku dhowaad 60 sano oo ay ka maqnaayeen kadib.

Chris Coleman ayaa furitaanka Euro 2016 la qaadan doona xulka Slovakia oo ay ku wajahayaana Bordeaux sabtida, ka hor inta England, aysan la ciyarin Russia.

Tababare Wenger wuuu ku faraxsanaa in aan usoo baxno tartankaan,” ayuu yiri Ramsey.

“Waxa uu ii sheegay in aan noqon karno kuwo khatar badan ka sameeyo tartanka sanadkaan,waxaa rajeynayaan in uu kamid yahay dadka fara ku tiriska ah ee noo sacba rumi doono ayuu hadalkiisa raaciyay Ramsey.

 

Ramsey oo kamid ah sagaal ciyaartooy oo Arsenal kaga qeyb galeysa Euro 2016, ayaa xukiisa rajo fiican aysan ka laheyn tartanka xagaagan marka lala barbardhigo xulalka kale ee wata magacyada waweyn.

Laakiin waqtigaan la joogo ciyaaryahanka khadka dhexe ee 25-sano jirka ah ayaa aaminsan in xulkiisa uu yahay mid lama filaan ka sameyn kara Euro.