Home » Ciyaaraha » Laacibkii horay ee kooxda Real Madrid Roberto Carlos oo Xaqiijiyay Cida qaadan doonto Sanadkaan Ballon D’Or

Laacibkii horay ee kooxda Real Madrid Roberto Carlos oo Xaqiijiyay Cida qaadan doonto Sanadkaan Ballon D’Or
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 6-06-16 10:52 AM

Daafacii hore ee kooxda Real Madrid Roberto Carlos ayaa amaan ku habay xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, waxaana uu sheegay in uu markale ku guuleeysan karo abaal marinta Ballon D’Or isagoona aaminsan in uu yahay mid wax wanaagsan kusoo bandhigi doono koobka Euro ee ka dhici doona wadanaka Faransiiska.
Xiddiga Real Madrid ayaa ku dhameeystay kaalinta sare ee gool dhalinta koobka Champions League xilli ciyaareedkii dhawaan dhamaaday, isagoona dhaliyay goolkii Rigooraha ahaa ee ay Real Madrid kaga adkaatay kooxda Atletico Madrid ciyaartii Finalka Champions League ee ka dhacday Magaalada Milan ee dalka Taliyaaniga.
“Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleeysan doona abaal marinta Ballon D’Or Xitaa haddii aanu ku guuleeysan koobka Euro, Messi waa ciyaariyahan Wanaagsan, balse kuguuleeysiga Champions League ayaa ah wax inta badan la xisaabiyo, ciyaariyahanka ugu wanaagsan waxaa go’aamiya had iyo jeerale Tartanka, waxaan Filayaa in uu markale Noqon doono xiddiga ugu wanaagsan Dunida,” ayuu ka sheegay kadib markii ay dhamaatay ciyaartii Corazon Classic Match ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu oo ay ciyaarayeen waayeelada kooxda Real Madrid.
Carlos ayaa kamid ahaa ciyaartooydii ugu wanaagsanaa ee soo mara kooxda Real Madrid, waxaana uu ku hogaamiyay koobka Champions League xilli ciyaareedkii 2002, waxaana uu hadda amaanisan yahay in CR7 uu mar kale noqon karo xiddiga ugu wanaagsan dunida.