Home » Ciyaaraha » Leo Messi Oo Laga Yaabo Inuu Si Lama Filaan Ah Ugu Soo Biiro Man United, Xilli Uusan Ku Faraxsaneyn Barcelona

Leo Messi Oo Laga Yaabo Inuu Si Lama Filaan Ah Ugu Soo Biiro Man United, Xilli Uusan Ku Faraxsaneyn Barcelona
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 6:44 AM

Manchester United ayaa sahmineysa qorshe cajiib ah oo ay xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ku keeneyso garoonkeeda Old Trafford, sida ay maanta daabacday jariiradda Daily Mail.

Jariiradda Sportsmail ayaa daaha ka qaaday inay Man United laba jeer xiriir la sameysay wakiilada Messi seddaxdii Isbuuc ee ugu dambeysay, iyadoo isku deyeysa inay sahmis haddii ay macquul tahay inay lasoo wareegto kabtanka xulka Argentina.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda tababare Jose Mourinho ayaa waxay qabtaa aragti ah inay u badan tahay inay lasoo wareegto Messi marka ay kusoo laabato tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka 2017 illaa 2018. Ama si kale haddii loo dhigo Man United ayaa ku qasban inay hal xilli ciyaareed sugto saxiixa Messi.

Heshiis kasta oo ay Man United kula soo wareegeyso Messi wuxuu jebin doonaa heshiiskii rikoorka u dhigay adduunka ee ay Real Madrid kula soo wareegtay Gareth Bale xagaagii 2013kii markaasoo ay ka bixisay 85.3 milyan oo ginni.

Qandaraaska uu haatan Messi kula jiro kooxda ka dhisan Nou Camp ayaa wuxuu dhacayaa xagaagaa 2018ka waxaana lagu soo waramayaa inuu shuruudo adag hordhigi doono haddii uu kusii nagaanayo Barcelona, halkaasoo uu ku dhaliyey 453 gool 531 kulan oo uu saftay.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka fulinta ee Man United Ed Woodward ayaa si aad ah u doonaya inuu xiddigaha ugu magaca weyn adduunka isugu keeno Man United, inkastoo ay ku fashilmeen saxiixa xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo, halka sannadkii tegay lala xiriirinayey Bale iyo Neymar.Leo Messi

Jimcadii shalay aheyd, ilo ku dhow Messi ayaa u sheegay Daily Mail inuu 28 sanno jirkaani diiday inuu meesha ka saaro suurtogalnimada ah inuu ka tago Barcelona. Xiddigaan shanta jeer hantay abaalmarinta FIFA Ballon d’Or ayaana la sheegayaa inuu ka careysan yahay isla markaana ay dhaawaceen kiisaska canshuur lunsiga ee looga heysto dalka Spain.

Maxkamadeyntiisii ayaa lasoo xiray Jimcadii, iyadoo loo heysto adduun lacageed dhan 3.2 milyan oo ginni oo ah canshuur uu lunsaday, maxkamadda ayaana go’aan soo saari doonta Isbuuca soo aadan.