Home » Ciyaaraha » LIVE Saaka & Suuqa: Neymar oo u xarooday PSG – Gareth Bale oo ku faraxsan United – Emre Can oo sii joogaya – Kolo Toure oo durba koox helay – Morata oo doortay kooxdii uu jeclaa – Pjanic diiday Juventus – dardarankii Rooney – sheekadada Ibrahimovic & Vardy

LIVE Saaka & Suuqa: Neymar oo u xarooday PSG – Gareth Bale oo ku faraxsan United – Emre Can oo sii joogaya – Kolo Toure oo durba koox helay – Morata oo doortay kooxdii uu jeclaa – Pjanic diiday Juventus – dardarankii Rooney – sheekadada Ibrahimovic & Vardy
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-06-16 8:34 AM

ASC, aqristayaashe sharafta badan meelkasta oo aad joogtaan kulanti wacan waxaad kusoo dhawaada sheekooyinkii ugu waweynaa suuqa kala iibsiga iyo wararka wargeysyada saaka ugu xiisaha badan.

xubintaan oo subax kasta aan idin soo gudbinaa, ayaa kusoo xulanaa sheekooyinka ugu sareeya wargeysyada ka hadla kubadda cagta, Magacayguna waa Xusni.

Sheekooyinkii ugu soo jidashada badnaa saaka wargeyska Daily Mail

  • PSG ayaa rajeyneysa inay la soo wareegto xiddiga kooxda Barcelona Neymar oo ku doonayaan in ay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah £ 153m sii daayo.
  • Gareth Bale oo kusoo bilaabann doona kulanka Euro 2016waxa uu wacad ku maray in xulkiisa meel wanaagsan uu gaarsiin doono.
  • Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta Emre Can kaso ay doonayaan in qandaraas cusub ay siiyaan, iyagoo doonaya inay ku abaal mariyaan horumar la taaban karo ee uu sameeyay.
  • Monaco ayaa isha ku heysa in ay u dhaqaaqdo Kolo Toure, ka dib markii Liverpool daafacan ay sii daayen.

Sheekooyinkii saaka iyo wargeyska Thesun

  • Weeraryahanka Juventus Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro Manchester United halkii Chelsea uu u dhaqaqqi lahaa,
  • Red Devils ayaa weli rajo ka leh saxiixa Ibrahimovic, laakiinse iyagu ma ay awoodi doonaan in ay la wareegaan ka hor dhamadka Euro 2016.

Ciwaanadi ugu soo jiidashada badnaa wargeyska Express

  • Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Roma Miralem Pjanic, ayaa beniyay inuu qarka u saaran yahay ku biirista Juventus.
  • Chris Coleman ayaa doonaya inuu xulkiisa Wales garaci doonaan caawa xulka qaranka Slovakia kulanka ugu horeeya Euro 2016.

Sheekadii ugu weyneyd Dailystar

  • Wayne Rooney ayaa ku amray saaxiibadiisa xulka England in ay aaminaan naftooda si ay ugu guuleystaan Euro