Home » Ciyaaraha » LIVE SUUQA KALA IIBSIGA: Mahrez, Vardy, Kante, Ibrahimovic, De Gea, Hazard oo suuqa saaran

LIVE SUUQA KALA IIBSIGA: Mahrez, Vardy, Kante, Ibrahimovic, De Gea, Hazard oo suuqa saaran
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 6-06-16 10:40 AM

Kulan wacan aqristayaasheena sharfta badan meelkasta oo aad joogtaan kusoo dhawaada sheekooyinkii ugu sareeya suuqa kala iibsiga iyo wararka ugu waweyn wargeysyada kubadda cagta.

  • Arsenal ayaa wadahadalo si ay ku dhamaystirayaan labada saxiix kooxda Leicester Riyad Mahrez,oo 25 jir ah, iyo weeraryahanka Jamie Vardy,oo 29 jir ah. (The Sun)
  • Gunners ayaa kalsooni ku qaba in Vardy la saxiixan doonan ka hor European Championship 2016. (Telegraph)
  • Dawacooyinku waxaa diiradda sareen weeraryahanka Watford Troy Deeney, oo 27 jir ah, si ay ugu bedelaan Vardy. (Telegraph)
  • Tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola ayaa ayaa taageere hor leh ka helay gudoomiyaha kooxda Khaldoon Al Mubarak. (CityTV)
  • Guardiola ayaa doonaya in uu sii xoojiyo qadkiisa dhexe waxaana uu diirada saarayaa Toni Kroos, oo 26 jir ah, kasoo ka tirsan Real Madrid, halka City ninka u ciyaara ee Fernando,oo 28 jir ah koxda ka diri doono (Manchester Evening News)
  • Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea Eden Hazard, oo 25 jir ah, ayaa beeniyay wararka la xiriirinaya Paris St-Germain (Telefoot, via Guardian)
  • PSG ayaa diyaar u ah inay soo xero geliso xiddiga qadka dhexe ee Leicester N’Golo Kante, oo 25 jir ah, iyadoo heshiis shan sanno ah usoo bandhigtay (Daily Mirror)
  • Wakiilka Zlatan Ibrahimovic, oo 34 jir ah, ayaa taageerayaasha Manchester United u sheegay in talaadada uu kooxda u saxiixi doono (Sun)
  • Everton ayaa begsan doonta daafaca Crystal Palace Scott Dann,oo 29 jir ah, kasoo ku kici kara qiyaastii £ 15m (Liverpool Echo)
  • Eddie Howe ayaa diidi doona fursad uu ku biiro kooxda Southampton iyadoo tababare, kooxdan uu u dhaqaaqi doono (Daily Mirror)
  • Goolhayaha Manchester United David de Gea,oo 25 jir ah, ayaa laga yaabaa in uu la sii joogo Old Trafford ka dib markii Real Madrid ay go’aansadeen inay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa £ 39 milyan (AS)
  • Red Devils ayaa dalab £ 35.2m ah ka gudbisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Valencia Andre Gomes, oo 22 jir ah. (Alfredo Pedula, via Daily Star)
  • Tababaraha cusub ee United Jose Mourinho ayaa qorsheynaya in ninka reer Portuguese ee Ricardo Formosinho, oo 59 jir ah, uu ka dhigo indha indheeyaha cusub ee Old Trafford. (The Sun)
  • Ciyaaryahankii hore ee England Paul Ince ayaa aaminsan in Roy Hodgson ay aheyd in xulka uu kusoo daro xiddiga Sunderland Jermain Defoe, oo 33 jir ah Euro 2016, (Chronicle)