Home » Ciyaaraha » LIVE Suuqa & Saaka: kadib Verdy Gunners oo saxiix kale oo lama filaan ah ku dhawaaqday – xaalada David de Gea – Morata oo koox cadaw ah usocda – Sheekadii Zlatan oo dhamaatay & wararkale

LIVE Suuqa & Saaka: kadib Verdy Gunners oo saxiix kale oo lama filaan ah ku dhawaaqday – xaalada David de Gea – Morata oo koox cadaw ah usocda – Sheekadii Zlatan oo dhamaatay & wararkale
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 6-06-16 6:01 AM

Kullan wacan aqristayaal, meelkasta oo aad joogtaan Ramadaam Kariim, kusoo dhawaada sheekooyinka subaxnimadaa wargeysyada ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

xubintaan oo aan kusoo xulno sheekooyinkii ugu dambeeyay uguna xiisaha badnaa wargeysyada waweyn ee kasoo baxay Ingiriiska waxaa subax walba kala socataan shabakada ciyaaraha ee kulaad.com

Sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa The Sun

Arsenal ayaa ku dhow inay la saxiixdaan weeraryahanka Leicester Jamie Vardy iyo ninka ku guuleystay PFA Player of the Year Riyad Mahrez.
David de Gea ayaa qarka u saaran inuu sii joogo Manchester United, iyadoo Real Madrid ay dooneyn in ay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa
Atletico Madrid ayaa isku diyaarineysa inay dalab u dirto weeraryahanka Juventus Alvaro Morata, laakiin Real Madrid ayaa weli ugu cadcad inay isaga dib-u-soo veliyaan vmarka ay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Sheekooyinkii saaka ee Dailymail

Zlatan Ibrahimovic ayaa taageerayaasha Manchester United ay sugayaan in kooxdooda ay ku dhawaaqdo ugu dambeyn talaadada.
Paris Saint-Germain ayaa isku dayaysa inay Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester N’Golo Kante dalab £ 20m ah ku kenta, iyadoo siineysa shan sanno oo mushaar qaali ah.
Manchester United ayaa dalab £30 milyan ah ka gudbisay daafaca Villarreal ee aadka loo qiimeeyo Eric Bailly
Sheekooyinkii ugu muhiimsanaa saaka DailyExprees

Tababaraha cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu u arko mustaqbal inuusan ku laheyn kooxda ciyaaryahanka qadka dhexe Ander Herrera.
Arsenal oo ka baqeysa in ay la saxiixan weydo weeraryahanka kooxda Leicester Jamie Vardy ka hor Euro 2016.