Home » Ciyaaraha » LIVE suuqa & saaka: Schweinsteiger oo ka tagaya United – sheekadii Zlatan – Chelsea oo saxiix lama filaaan ah ku dhawaaqday – Leicester oo heshay bedelka Kante & Vardy – guud ahaan xaalada suuqa saaka halkaan kala soco

LIVE suuqa & saaka: Schweinsteiger oo ka tagaya United – sheekadii Zlatan – Chelsea oo saxiix lama filaaan ah ku dhawaaqday – Leicester oo heshay bedelka Kante & Vardy – guud ahaan xaalada suuqa saaka halkaan kala soco
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 7:44 AM

Kullan wacan, aqristayaal kusoo dhawaada sheekooyinka subaxnimadaan ugu waweyn wargeysyada kubadda cagta ka faalooda ee kasoo baxa England.

Sheekooyinka xulka ah ee wargeysyada waweyn ayaan soo xulan doonaaa, waxaana ay wax ka qoreen kooxaha waweyn iyo heshiisyada laga yaabo in ay sameeyaan.

Wargeyska Miror qodobada ugu waweyn saaka

  • Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Bastian Schweinsteiger ayaa lagu wadaa in la baabiiyay heshiiskiisa Manchester United ka dib markii uu hal xilli ciyaareed kooxda ku qaatay.
  • Indho indheeyayaal ka tirsan kooxaha Everton iyo Southampton oo joogay kulankii Netherlands iyo Austria habeenkii Sabtida iyagoo dawanayay xaalada xiddiga Newcastle ee Georginio Wijnaldum.
  • Manuel Pellegrini ayaa ah tartan lama filaan ah waxaa kaga guuleystay Ronald Koemanshaqada kooxda Everton.

Sheekooyinka Thesun ugu waweyn saaka

  • Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhawaaad £ 4mlasiin doonaa sanadkii haddii uu u saxiixo Manchester United todobaadkan.
  • Ricardo Carvalho ayaa sheegay in Manchester United ay heshay Alex Ferguson cusub markii uu qabtay Jose Mourinho.
  • Stoke ayaa dooneysa in ay soo qaataan xiddiga Jack Grealish ka dib markii Ibrahim Afellay uu soo gaaray dhawac uu la maqnaan doono ilaa ciida Christmas.
  • Steven N’Zonzi ayaa bartilmaameed lama filaan ah u noqday tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte .

Sheekooyinka ugu waweyn saaka Dailystar

  • Leicester ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato xiddiga kooxda Southampton Victor Wanyama kasoo ay u arkaa bedelka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska N’Golo Kante oo laga yaaabo inuu tago.

Sheekooyinkii saaka lagu daabacay DailyExpress

  • Tababaraha kooxda Sporting Lisbon Jorge Jesus ayaa ku taageeray Leicester in ay qaataan xiddiga Islam Slimani kasoo loo arko bedelka Jamie Vardy xilli ciyaareedka soo socda.
  • Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu wadaa inuu u duulo Manchester isbuucaan si uu u noqdo saxiixii ugu horeeyay ee Jose Mourinho.

Sheekooyinka ugu waweyn subaxnimadaan Dailymail

  • Jamie Vardy ayaa u duuli doono France isniinta isagoo ah ciyaaryahan Arsenal ah ka dib markii uu kaga dhaqaaqo Leicester £ 20m.
  • macalinka Sweden oo u ogolaan doona Zlatan Ibrahimovic inuu ka tago xerada tababarka xulkiisa isugu diyaarinayaan Euro 2016 si uu ugu saxiixo Manchester United.