Home » Ciyaaraha » Liverpool, Arsenal, Man United iyo Man City oo Ku Dagaallamaya Lewandowski

Liverpool, Arsenal, Man United iyo Man City oo Ku Dagaallamaya Lewandowski
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:39 AM

Kooxaha ka dhisan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa heegan uga jira weeraryahanka Robert Lewandowski oo ka niyad jabsan in uu ka sii ciyaaro horyaalka waddanka Germany.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, weeraryahankan hibada u leh dhalinta goolasha ayaa waxa isha la raacaya kooxa Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Manchester City.

Weeraryahankan oo ay da’diisu tahay 27 jir, ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay waddanka France oo uu xulkiisa Poland u hoggaaminayo tartanka Euro 2016, hase yeeshee marka uu ka soo noqdo halkaas ayaa waxay Bayern Munich doonaysaa in uu u kordhiyo heshiiska uu hadda kula joogo, balse isaga ayaa shakhsiyan ay warbaahintu sheegaysaa in uu doonayo in uu ka tago kooxdaas.

Kooxda Real Madrid eek a dhisan waddanka Spain ayaa dhinaceeda xiisaynaysa weeraryahankan.