Home » Ciyaaraha » Liverpool iyo Chelsea Oo Heegan U Galay Hadal Kasoo Yeeray Wakiilka Gonzalo Higuain – Muxuu Ka Sheegay Mustaqbalka Ciyaaryahanka?

Liverpool iyo Chelsea Oo Heegan U Galay Hadal Kasoo Yeeray Wakiilka Gonzalo Higuain – Muxuu Ka Sheegay Mustaqbalka Ciyaaryahanka?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-06-16 8:10 AM

Wakiilka Gonzalo Higuain ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka uu u cusbooneysiin doonin heshiiska kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Napoli.

Weeraryahanka Argentina ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 36 gool 35 kulan oo Serie A uu ka ciyaaray.

qaab ciyaareed fiican ayuu kujiraan 28-sano jirkaan ,waxaana aad loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo kooxaha ka dhisan Premier League xagaagan, iyadoo Chelsea iyo Liverpool labadoodaba lagu soo waramayo in ay xiiseynayaan saxiixiisa.

haatan weeraryahanka walaalkiis ahna wakiilkiisa, Nicolas Higuain, ayaa labada koox ee Premier League u sheegay war ay ku farxaan, kasoo ah in uusan jirin wax heshiis ah oo uu u kordhin doonon xiddiga Argentina kooxdiisa Napoli.

“Tani waa xaaladda adag,” Nicolas u sheegay idaacada Argentina ee Closs Continental.

“Madaxweynaha waxa uu weydiisanaya in lasiiyo qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Gonzalo, anaguna waxaan diidnay in aan saxiixiino heshiis cusub ayuu yiri wakiilka.

“Waxaan soo gaaray Napoli iyadoo nooloo balan qaaday inuu jiro qorshe kooxda ay ugu guuleysaneyso Champions League iyo Scudetto, lakiin taas waxaad mooda in ay weli adag tahay ayuu yiri wakiilka Higuain.

“Aurelio De Laurentiis waxa uu ka dalbanayaa dhamaan kooxaha doonaya ciyaaryahanka in ay dhiibaan qiimaha lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa , laakiin walaalkay waxa uu doonayaa inuu si dhaqso ah kaga tago halkaan.

“Waan arki doonaa waxa dhaca sannadka soo socda ayuu yiri, qandaraaska weeraryahankaan uu kula jiro Napoli ayaa dhacaya 2018 marka uu jirsado da’ahaan 30 sano jir.