Home » Ciyaaraha » Liverpool oo cadowgeeda ciyaaryahan ka dooneysa xilli ay diyaar u tahay iney miiska u saarto 50 Milyan oo ginni

Liverpool oo cadowgeeda ciyaaryahan ka dooneysa xilli ay diyaar u tahay iney miiska u saarto 50 Milyan oo ginni
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 11:44 AM

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameed ka dhigatay weeraryahanka kooxda Arsenal Theo Walcott, sidaas waxaa daabacday majaladda Football Insider.

Walcott ayaa lala xiriirinaayey inuu ka tegayo kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium ka dib markii uu Gunners ku qaatay xilli ciyaareed niyadjab leh taasoo keentay inuu boos ka waayo xulka England ee ciyaaraya Euro 2016.

Sida laga soo xigtay majaladda Football Insider, Liverpool ayaa isha ku heysa suurtogalnimada ah inay dalab 25 milyan oo ginni ah ka gudbiso 27 sanno jirkaan, waana qiimo lacageed oo ay Arsenal dooneyso inay aqbasho.

Warbixinta ayaa caddeyneysa inay madaxda kooxda ka dhisan Anfield Road diyaar u yihiin inay Walcott ka dalbadaan qandaraas afar sanno ah oo uu wadar ahaan ku qaadanayo 25 milyan oo ginni.

Tababare Jurgen Klopp ma raadinayo weeraryahan cusub balse wuxuu suuqa kala iibsiga xagaagaan ka baadigoobayaa xiddig garabka ka ciyaara oo dheereeya, waxaana sidoo kale liiska bartilmaameedkiisa ku jira xiddiga Bayern Munich Mario Gotze iyo xiddiga kooxda Southampton Sadio Mane

Si kastaba ah ahaatee, haddii Liverpool ama koox kale ay ku guuldarreysato inay bixiso qiimaha ay Arsenal ku dooneyso xiddiga heerka caalami ee dalka England, tababare Arsene Wenger wuxuu markaas ku faraxsan yahay inuu Walcott sii joogo Waqooyiga London. Kooxda dhowaan u guurtay garoonka Olympic Stadium ee West Ham United ayaana sidoo kale la fahamsan yahay inay xiiso u qabto xiddigaan.

Walcott, oo saxiixay qandaraas afar sanno ah xagaagii lasoo dhaafay, ayaa dhaliyey keliya shan gool oo horyaalka England Premier League ah xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 2015 illaa 2016, waxaana xusid mudan in keydka loo isticmaalay inta badan qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkaas.