Home » Ciyaaraha » Liverpool oo heshiis lagaartay Weeraryahanka Sadio Mane

Liverpool oo heshiis lagaartay Weeraryahanka Sadio Mane
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:40 PM

Kooxda kubada Cagta Liverpool ayaa lasheegayaa in ay heshiis lagaartay Weeraryaahnka dalka Senegal ee u dheela kooxda Southampton ee lagu Magacaabo Sadio Mane.

Liverpool ayaa lasheegayaa in ay ku iibsatay Xidigaan Lacag dhan £30m Waxaana lasheegayaa in uu Saxiixi doona heshiis dhan 5 Sanadood oo uu kooxdaas ugu dheeli doono.

Weeraryahankaan ayaa ka mid ahaa Cayaaryahandii ugu Goolasha badnaa sidoo kalana ugu fir fircoonaa Waxaana uu soo jiitey kooxo badan oo aad u doon doonayey in ay lawareegaan balse hada Waxaa la leeyahay Waxaa heshiis lagaartay sida lasheegay Liverpool.