Home » Ciyaaraha » Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixa Kabtan Jooga Horyaalka Portugal

Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixa Kabtan Jooga Horyaalka Portugal
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 5:03 AM

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxda Liverpool u dhaw yihiin saxiixa qadka dhexe kooxda FC Porto ahna kabtanka kooxdaas ee Hector Herrera.

Liverpool ayaa baacsiga laacibkaan kaga gacan sareysa kooxda Napoli sida Fox Sports sheegeyso

Shabakadaas ayaa sheegeysa in Liverpool ay talaabo kooban u jiraan in ay ku guuleystaan saxiixa laacibkaan reer Maxico oo haatan qarankiisa kala qeyb galaya Copa America

Lama helin qiimaha Liverpool geeyeen balse waxaa la ogsoon yahay in Napoli laga diiday dalab 15 milyan oo euro ah

Laacibkaan ayaa gacan weyn ku lahaa guushii qarankiisa ka gaareen subixii isniinta Uruguay oo uu dhaliyay hal gool halka mid kalana uu ka qeyb qaatay