Home » Ciyaaraha » Ma Ogtahay In James Rodriguez Uu Iska iibiyay Gurigiisa Ku Yaalay Madrid? Tani Miyay Kuu Cadeyn Inuu Yahay Xiddig Manchester United Ah

Ma Ogtahay In James Rodriguez Uu Iska iibiyay Gurigiisa Ku Yaalay Madrid? Tani Miyay Kuu Cadeyn Inuu Yahay Xiddig Manchester United Ah
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 25-06-16 7:00 AM

Manchester United ayaa loo sheegay inay heli karaan xiddiga aan saldhigan Real Madrid ee James Rodriguez xagaagaan.

Laacibka Colombia Rodriguez, kaasoo ugu biiray kooxda Real lacag dhan £ 56million ka dib koobka adduunka ee 2014, ayaa hadda laga yaabaa in ay diyaar ula yihiin United lacag dhan £ 50m.

Warar ka soo baxaya Spain ayaa sheegay Rodriguez inuu gurigiisa iibiyay, iyadoo mustaqbalkiisa Madrid aan la hubin ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos joogto ah helo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Weeraryahanka 24-sano jirka ah wuxuu ahaa bedel aan la isticmaalin finalkii Champions League ay la ciyaareen kooxdiisa Atletico Madrid, iyadoo United ay awoodaan in ay isaga ka bixiyaan lacagtaas.

Rodriguez wakiilkiisa Jorge Mendes, ayaa sidooakle wakiil u ah tababaraha cusub ee United Jose Mourinho tasoo isku soo dhaweyneysa sheekada.