Home » Ciyaaraha » Maalinka uu bilaaban doono Horyaalka Premier League oo lagu dhawaaqay

Maalinka uu bilaaban doono Horyaalka Premier League oo lagu dhawaaqay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 15-06-16 7:08 AM

Xiriirka kubada Cagta dalka England ayaa si rasmi ah u shaaciyey Maalinka uu bilaaban doono Horyaalka Xisaha badan ee Premier League kaas oo isku aadkiisana Arbacada lasamayn doono.

Horyaalka Premier League oo Xiliga soo socda lafilayo in uu ka Xiiso badnaado sidii hore Maadaama uu jiro isbadal dhanka Macalimiinta ah ayna ku soo biireen dagaalka Macalimiin aad loogu ixtiraamo kubada Cagta.

Premier League ayaa labaasan doonaa bisha August 13,keeda 2016 Waxaana lafilayaa in ay isku dhacaan kooxo waa weyn bilaawga Horyaalka 2016-2017.

Waxaa Premier League ku soo biirey Macalimiinta kala ah Pep Guardiola iyo Antonio Conte Waxaa Manchester United Macalin u noqday Jose Mourinho sidoo kale Waxaa Everton loo dhiibay Macalin Ronald Koeman Waxaana Godkiisa biyo ugu soo galeen Macalinka difaacan doona Horyaalka ee Leicester City Hogaamiya.

1234