Home » Ciyaaraha » Macalin Jose Mourinho” La Socda in Saxiixeena Xigaa noqon doono Paul Pogba

Macalin Jose Mourinho” La Socda in Saxiixeena Xigaa noqon doono Paul Pogba
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 3-07-16 9:10 AM

Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa laxaqiijiyey in ay Xoogeeda oo dhan isugu geyn doonto sidii ay ku soo qaadan lahaayeen Cayaaryahankii hore ee Naadigaas Paul Pogba iyaga oo Cadeeyey in ay diyaariyeen £100m.

Paul Pogba oo 4 Sano ah kahor Lacag la aan ugu biirey kooxda Talyaaniga ah ee Juventus markii uu katgay Manchester United oo uu ku soo bar baaray ayaa hada waxa uu noqon doonaa Cayaaryahankii ugu qaalisanaa Caalmka oo dhan hadii lagu iibsado Boqolka Milyan ee ay Miiska saartay Red Devils.

Macalinka Cusub ee Manchester United oo horay u soo qaatay Xidigaha kala ah Zlatan Ibrahimovic Eric Bailly iyo Henrikh Mkhitaryan.ayaa Cadeeyey in Saxiixa ku xigaa Noqon doona Cayaaryahanka dalka France ee Paul Pogba.

Juventus ayaa Horay u sheegtay in Wax kayar Lacagta ay hada diyaarka latahay Manchester United aysan ku iibin doonin Xidigooda Waxaa kaloo Paul Pogba laga soo Xigtay dhawaan oo uu Saaxiibadii u sheegay in uu ka dheeli doono Horyaal ka fiican kan Talyaaniga sida uu hadalka u dhigay,