Home » Ciyaaraha » Macalin Mourinho oo Maamulka Manchester United ka Codsaday in ee La soo Saxiixdaan Will Hughes .

Macalin Mourinho oo Maamulka Manchester United ka Codsaday in ee La soo Saxiixdaan Will Hughes .
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 4-07-16 7:32 AM

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa maamulka kooxda ka codsaday in loo soo xero galiyo ciyaaryahan khadka dhexe ka xamaasha oo aad loo qiimeeyo oo lagu magacaabo Will Hughes sida ay sheegayaan wararku.

Da,yarkan ayaa dhaawac jilibka ah la maqnaa muddo lix bilood ah laakiin Arintaas ayaa jose ka joojin in uu xiiso u qabto xiddigan isaga oo doonaya in uu ku soo daro kooxda uu xilli ciyaareedka cusub la shir iman doono premier league.

Jose Mourinho ayaa mar horeba suuqa galay isaga oo la soo wareegat saxiixayda kala ah Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan.

Sida laga soo xigtay The Sun Macalinkan ayaa doonaya in xiddigan khadka dhexe ku soo daro kooxdiisa maalmaha inagu soo socda isaga oo Amaray Maamulka In dalab gaadhaya £7m laga gudbiyo xiddigan.

Xiddigan ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda ka ciyaarta championshipka ee Derby si uu uga ciyaaro premier league xagaagan.