Home » Ciyaaraha » Macalin Vicente del Bosque” David de Gea ayaa lahaa qaladka aan ugu dhacnay Talyaaniga

Macalin Vicente del Bosque” David de Gea ayaa lahaa qaladka aan ugu dhacnay Talyaaniga
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 22-06-16 7:36 AM

Macalinka Xulka dalka Spain ee Vicente del Bosque ayaa eeda Guuldaradii ku dhacday Xalay waxa uu dusha kasaaray Goolahayaha Manchester United ee David de Gea kaas oo uu ku eedeeyey Goolashii laga dhaliyey.

Vicente del Bosque” in aan ku dhacno Talyaaniga Wareega 16 ka waxaa Mas uul ka ah Goolhaye de Gea Waayo waxaa ka dhalatay labadii Fursadood ee kaliya ee lagu helay Waxaanan dareemayaa in uusan celin karayn kubadaha Hoose ee Jecelyahay kubadaha kore ee uu birta ka kor mariyo sidaa Waxa uu u sheegay Macalinka Spain Wargeyska Marca.

Spain oo Gruubkeeda ku dhamaystay kaalinta labaad ayaa habeenka isniinta ah Waxa ay ladheeli doonaan Xulka Talyaaniga oo ah kii ay ka qaadeen Finalka koobkaan 2012 kii Waxaana Vicente del Bosque uu Cabsi ka muujiyey ku dhici taanka Talyaaniga isaga oo yiri waa dal dhib badan oo ay adagtahay in Sahal looga badiyo,

Sidoo kale Macalinka Spain ayaa difaacay Go aankii uu ku qaatay in Rigooradii loo dhigay uu u dhiibo daafaac Sergio Ramos kaas oo ka qasaariyey isaga oo yiri Wax dhibaato ah malaha Ramos Waa dhaliyaa Rigoore Waana laqasaariyaa aniga ayaana leh Go aanka qofka Tuuraya Rigoorada aan helno Wax shalaay ahna kama qabo.

1 2 3 4 5