Home » Ciyaaraha » Macalinka Arsenal Arsene Wenger oo La Shaaciyay Xiliga oo Shaqada Xulka England La Wareegi Doono, Xili Xiriirka FA War Rasmi ah Ay Kasoo saareen Damaca Ay Ka Leeyihiin Macalinka Arsenal

Macalinka Arsenal Arsene Wenger oo La Shaaciyay Xiliga oo Shaqada Xulka England La Wareegi Doono, Xili Xiriirka FA War Rasmi ah Ay Kasoo saareen Damaca Ay Ka Leeyihiin Macalinka Arsenal
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-06-16 8:06 AM

Xiriirka kubadda cagta ee FA ,ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurtagalnimada ay ku sugayaan sanad, si ay ugu magacaabaan Arsene Wenger bedelka Roy Hodgson ,

madaxa fulinta xiriirka Martin Glenn, ayaa kalsooni ku qaba awooda Gareth Southgate si ku meel gaaar ah loogu dhiibi karo shaqada xulka, sanadka ay sugayaan macalinka Arsenal.

Glenn ayaa soo jeediyay in laga fakiro go’aanka lagu kaanayo bedelka Hodgson oo shaqada iska casilay ka dib markii guuldarro 2-1 kasoo gaartay kulankii Iceland ee ka dhacay magaaalada Nice.

inkastoo sagaal isbuuc ay ka hartay furitaanka isreebreebka koobka adduunka kulanka ugu horeeyay oo ay la qadan doonaan Slovakia, Glenn iyo agaasimaha farsamada FA, Dan Ashworth iyo madaxii hore ee fulinta Manchester United David Gill, ayaa diyaar u ah inay sugaan sanad haddii ay macquul tahay in la helayo macalinka Arsenal.

Wenger ayaa qandaraaskiisa kooxda Arsenal waxaa uu dhacayaa xagaaga soo socda, iyadoo Glenn uu yiri: “Haa, waxaan noqon doonaa kuwo diyaar u ah inay sugaan macalin Wenger, shaqada waxaa loo dhiibi doonaa macalin kumeel gaar ah.

Arsenal iyo Arsene Wenger, Labaduba kama hadlin Sheekada saxaafada baahisay, lakiin waxay u badan tahay in Wenger uu iska sii joogi doono kooxdiisa Arsenal.