Home » Ciyaaraha » Macalinka cusub ee kooxda Manchester United Jose Mourinho oo Telefoon kula Hadlay Ashley Young una sheegay

Macalinka cusub ee kooxda Manchester United Jose Mourinho oo Telefoon kula Hadlay Ashley Young una sheegay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 10:57 AM

Ashley Young ayaa loo sheegay in uu kujiro qorshaha tababaraha cusub Jose Mourinho ee Manchester United la waregay.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Young, oo 30 jir ah, ayaa ka mid ahaa ciyaartoy dhowr ah oo loo arkayay in ay dheeraad ku yahaiin kooxda United dib markii ceyrintii Louis van Gaal bishii la soo dhaafay.

West Ham ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo la socoday xaaladda Young ee Manchester United

Laakiin saxiibadiisa kale ee kooxda Matteo Darmian, Ander Herrera iyo Juan Mata ayaa qarka u saaran in la iibiyo,

tababaraha cusub ee Manchester United Mourinho ayaa u arka Young, oo saxiixay qandaraas cusub xagaagii la soo dhaafay inuu yahay mid weli rajo ka leh kooxda.

Tababaraha United ayaa u xaqiijiyay qorshihiisa xilli ciyaareedka soo socda inuu kujira xiddigan.

Mourinho ayaa la fahamsan yahay inuu la dhacay qaab ciyaareedkii uu muujiyay Young xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.