Home » Ciyaaraha » Macalinka Qaranka Turkey Fatih Terim Oo Amaan Ugu Qubeeyay Xidiga Aadka Loo Qiimeeyo Ee Emre Mor

Macalinka Qaranka Turkey Fatih Terim Oo Amaan Ugu Qubeeyay Xidiga Aadka Loo Qiimeeyo Ee Emre Mor
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 22-06-16 7:56 AM

Maclainka xulka qaranka Turkey Fatih Terim ayaa amaanay xidiga ugu yar dalkiisa ee Emre Mor kuna tilmaamay badbaadiyaha xulkiisa kadib markii uu xalay soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii Euro 2016 heerkiisa guruubyada ugu danbeeyay xulkaan ee ay 2-0 ku garaaceen Czech Republic.

18 jirkaan ay la soo qareegtay kooxda Borussia Dortmund ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican wuxuuna caawinaad u sameeyay Burak Yilmaz goolkii furitaanka ee kulankii Stade Bollaert-Delelis ee magaalada Lens.

Terim ayaa ku faraxsana abandhigii wiilkaan ee xulka kadib labo guuldaro oo xiriir ahaa oo ka soo gaaray Spain iyp Croatia wuxuuna yiri isagoo ka hadlayay Mor “Wuu na cajabiyay, wuxuu ahaa go,aan muhiim ah soo xulashadiisa, wuxuu ahaa badbaadiyaheena kulankaan”.

“Wuxuu ahaa mid aad qiimo inoogu leh, waxaana hubaa inuu sameeyen weyn ku yeela doono kooxdeena”.

“Volkan Sen, Emre Mor, Burak Yilmaz – dhamaan waxay qaateyn kulan weyn. kooxda oo dhan ayaa si fiican u daafcatay,  markii uu soo galay Ozan Ozyakup waxaan helnay fursado badan, mararka qaar eaxaan u baahneyn daafacasho fiican laakin goolhayeheena wuxuu ciyaaray kulan weyn.”

 

Xulka Turkey ayaa caawa cadeyn doona hadii ay u soo baxayaan wareega xiga ee tartankaan iyo hadii kale.