Home » Ciyaaraha » Macalinka Xulka England oo doonayo inuu raxan ciyaaryahanadiisa kamid nasiyo kulanka Slovakia.

Macalinka Xulka England oo doonayo inuu raxan ciyaaryahanadiisa kamid nasiyo kulanka Slovakia.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 20-06-16 10:45 AM

Tababare Roy Hodgson ayaa isku diyaarinaya inuu khamaaro ciyaarta ugu dambeysa Group B tartanka Euro 2016  ee ay xulkiisa England foodda darayaan xulka Slovakia isagoo lix isbedel ku sameynaya shaxdii uu kulankiisii ugu dambeeyey guusha uga soo gaaray Wales.

Hodgson ayaa la filayaa inuu kulankaan kusoo bilaabo xiddigaha Daniel Sturridge, Jamie Vardy, Jordan Henderson iyo Jack Wilshere wuxuuna sidoo kale isbedel ku sameyn doonaa daaficiisa garbaha ciyaarta ay wajahayaan xulka Slovakia.

Waxaa xusid mudan inay inta badan wargeysada Ingiriisku maanta qorayaan inuu tababaraha Three Lions nasin doono kabtankiisa Wayne Rooney isagoo booskiisa ka ciyaarsiin doona kabtanka kooxda Liverpool Henderson.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankaan ayaa u muuqda mid khamaar ah maadaama xulka England uusan weli hubin booskiisa kaalinta koowaad ee Group B waana kaalin u sahli karta inay foodda daraan xul jilicsan marka ay Sabtida Paris ku ciyaaraan kulankooda wareega 16ka ee tartankaan.

Nathaniel Clyne iyo Ryan Bertrand ayaa sidoo kale la filayaa inay boosaska kala baxaan Kyle Walker iyo Danny Rose iyadoo tababare Hodgson uu nasin doono daafacyadiisa garbaha ka hor kulankooda wareega 16ka Euro 2016.

Sturridge ayaa ahaa geesigii xulka England u dhaliyey goolka guusha ciyaartii ay wajaheen xulka Wales wuxuuna weerarka kulanka caawa ka garab ciyaari doonaa Vardy, taasoo la micno ah inuu keydka kusoo bilaaban doono Harry Kane, halka Wilshere uu booska kala baxayo xiddiga Tottenham Dele Alli.