Home » Ciyaaraha » Macalinka Xulka Iceland oo weeraray ciyaaryahanada xulka Portugal Cristiano Ronaldo iyo Pepe kahor kulankooda

Macalinka Xulka Iceland oo weeraray ciyaaryahanada xulka Portugal Cristiano Ronaldo iyo Pepe kahor kulankooda
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 12:00 PM

Weeraryahanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo iyo daafaca dambeedka dhexe Pepe ayaa qaab jilliinkooda ku muteysan lahaa shaqo ay ka helaan shirkadda aflaanta Mareykanka ee Hollywood, sidaas waxaa qaba tababaraha xulka Iceland Lars Lagerback ka hor kulanka labadaan xul ku dhexmaraya Group F ciyaaraha European Championship 2016 ee ka dhici doona garoonka Saint-Etienne.

Iceland ayaa ciyaari doonta kulankeedii ugu horreysay ee tartan caalami ah marka ay wajahdo xulka Portugal, tababare Lagerback ayaana ugu baaqay garsoorka kulankaan inay tallaabo ka qaadaan labadaan ciyaaryahan kuwaasoo uu sheegay inay markasta isku dayaan inay jilliinkooda ku khiyaameeyaan garsooraha, wuxuuna si cad farta ugu fiiqay Ronaldo iyo Pepe.
Pepe oo iska dhigaya mid dhaawacmay si jaalle loo siiyo Yannick Carrasco inkastoo uusan dhibaato weyn u geysan
“Portugal waxay heysataa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka waana Ronaldo laakiin sidoo kale waa jilaa heer sarre ah,” ayuu 67 sanno jirkaani u sheegay saxaafadda isagoo ku sugan dalka France, tababarahaan ayaana xusay inay garsoorka kulankaan dib u eegaan wixii ay sameeyeen labada xiddig ee Real Madrid intii lagu jiray finalkii UEFA Champions League ee bishii lasoo dhaafay.

“Finalkii UEFA Champions League ee ay ku wajaheen Atletico Madrid, waxaan aragnay bandhig kale oo uu muujinayo shaqsi uu ahaa inuu malaha shaqo ka helo shirkadda aflaanta ee Hollywood.
Ronaldo oo u dabaaldegaya dhalinta rigooradii ay Real Madrid ku qaaday koobkeedii 11aa ee European Cup
“Waa inaan xuso shaqsigaas oo ah Pepe. Waxaan ula jeedaa, waad arki kartaan muuqaallada. Aniga ahaan, taasi waa jilliin waa jilliin weliba heer caalami ah. Laakiin ma garanayo waxa looga baahan yahay si ay labadaan xiddig shaqo uga helaan shirkadda Hollywood.

“Taasi ma ahan wax aan jeclahay. Waan jeclaan lahaa haddii dib loo daawan lahaa muuqaallada ka dibna lagu ciqaabi lahaa falalka nuucaan oo kale ah.”

Austria iyo Hungary ayaa ah xulalka kale ee ku jira Group F.