Home » Ciyaaraha » Macalinka Xulka Qaranka Jarmalka Jochim Low oo sheegay Xulka ugu adag sanadkaan Tartanka Europe Cup 2016

Macalinka Xulka Qaranka Jarmalka Jochim Low oo sheegay Xulka ugu adag sanadkaan Tartanka Europe Cup 2016
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 7:18 AM

Tababaraha Xulka Qaranka Jarmalka Jochim Low ayaa sheegay in xulka heeysta koobka qaramada qaarada yurub ee Spain ay wali yihiin dalka Ugu adag misna ugu cadcad tartankan Europe Cup 2016 France si qurux badan kaga socdo.

Spain ayuu ku tilmaamay Macalin Low Kuwa si adag Isugu soo diyaariyay tartanka waxana arinkaasi uu ka sheegay shirkiisa jaraaiid ee maanta ka hor kulanka soo aadan ee dalkiisa.

“Spain waa kuwa aad u adag waana wadanka aan dhihi karo waa ay qaadi karaan tartanka.

Kooxo badan lagama xulin xulkaan waxayna u badan yihiin Barcelona fc xidigahooda Wana Taasi Sababta ay u adag yihiin xulkaan sidoo kale Real Madrid waa dooq kale Oo Xidigo cajiib ah ayaa ka socdo.

 Macalin Jochim Low ayaa sidoo kale sheegay in Xidigaha Spain ay qaarkood wax badan la ciyaareen Leo Messi oo Xidiga dunida ugu fiican misna wax badan laacibiinta Spain ay ka waayo aragsadeen.

Dhinaca kale 56 jirkaan maamula xulka Germany ayaa sheegay in aysan wax isbadal ah ku imaan wiilasha xulkiisa wuxuuna sheegay in ay tartanka ka muuqan doonaan