Home » Ciyaaraha » MACSALAAMA Kolo Toure : Daafaca waayo-araga ah ee Liverpool oo hogaaminaya xiddigo Reds ay fasaxayaan maanta

MACSALAAMA Kolo Toure : Daafaca waayo-araga ah ee Liverpool oo hogaaminaya xiddigo Reds ay fasaxayaan maanta
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 11:02 AM

Liverpool ayaa ku dhow inay xaqiijinayaan in Kolo Toure lafasaxay kooxda galinka dambe ee maanta.

heshiis Toure ayaa waxa uu ku egyahay dhamaadka bishan waxana uu ku guuldareystay inuu ka helo heshiis cusub,Tababaraha kooxda Jurgen Klopp, sida laga soo xigtay Liverpool Echo.

Magaca ninka reer Ivory Coast ayaa ka mid ah liiska ciyaartoyda aan aan loo diiwan gelin doonin Premier League xili ciyaareedka dambe, waxaana liiskaan uu soo bixi doona galabta.

35-sano jirkaan ayaa 71 kulan u saftay Reds ka dib markii uu kaga soo biiray beeca xorta ah Manchester City 2013,

kulankii ugu danbeeyay ee kooxda wuxuu ahaa finalkii Europa League ee Basel bishii hore kooxdiisa guldaro kala kulantay Sevilla.

 

Daafacii hore ee Arsenal iyo Manchester City ayaa sheegay in uu weli hubin mustaqbalkiisa ka dib, markii uu dhamaaaday xili ciyareedkii hore.

“Dabcan waxaan doonayaa inaan sii joogo,” ayuu yiri. “Waa koox weyn Liverpool, laakiin tababaraha ayay ku xiran tahay sababkasta oo aan halkaan kusii ahaan karo.

Jurgen Klopp ayaa hore ula soo saxiixday Joel Matip, iyadoo da’yarka Joe Gomez uu ku soo laabto tababarka.