Home » Ciyaaraha » Madaxda Shirkadda WWE Oo Dib U Dhigay Soo Laabashada Bray Wyatt

Madaxda Shirkadda WWE Oo Dib U Dhigay Soo Laabashada Bray Wyatt
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 3:00 PM

Waxaa soo baxayey warar xan ah oo ku saabsan soo laabashada Bray Wyatt iyo kooxdiisii uu hogaamiyaha u ahaa The Wyatt Family bishii ugu dambeysay. Bray Wyatt ayaana dhowr jeer arrinkaan uga hadlay bartiisa bulshada, laakiin lama oga xaqiiqda ah marka ay soo laaban doonaan kooxda The Wyatt Family iyo cidda ay weerarka ku qaadi doonaan.

Wararka xanta ah ayaa soo jeedinayey inuu Bray Wyatt dib usoo laaban doono xalqaddii ugu dambeysay ee Monday Night Raw maadaama uu joogay New Orleans. Laakiin taasi ma aysan dhicin.

Sida ay sheegeyso warbixintaan ay daabacday shabakaddaCageSideSeats.com, Bray Wyatt ayaa Isbuucyadii ugu dambeeyey ku sugnaa goobihii lagu duubayey bandhigyada Isbuuclaha ah ee WWE.Laakiin shirkaddaan ayey u muuqatay inay legdanyahankaan la sugeyso bandhigga WWE Money In The Bank laakiin taasi ma aysan dhicin kooxda Wyatt Family ayaana kasoo muuqan shaashadaha tan iyo markii uu dhaawacmay hogaamiyahoodu.

Sida ay wararku sheegayaan madaxda shirkaddaan WWE ayaa ka horjoogsan doona Wyatt inuu kasoo muuqdo bandhigga Money In The Bank laakiin waxaa loo ogolaan doonaa inuu bandhigyada xigga kasoo muuqdo haddii uu si buuxda taam u yahay.