Home » Ciyaaraha » Madaxweynaha Fenerbahce Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Luis Nani Ku Biiri Doono, Ma Man United Ayuu Kuso Labanayaa?

Madaxweynaha Fenerbahce Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Luis Nani Ku Biiri Doono, Ma Man United Ayuu Kuso Labanayaa?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-06-16 7:41 AM

Madaxweynaha kooxda reer Turkey ee Fenerbahce ninka lagu magacaabo Aziz Yildirim ayaa xaqiijiyay in xidigii hore Manchester United Luis Nani uu xagaaga dambe ka ciyaari doono horyaalka La Liga Spain isagoo ka mid noqon doona kooxda Valencia.

Kooxda Valencia wali ma xaqiijin arinkaan, balse sida la aaminsan yahay waxey xidigaan kusoo qaadan doontaa 8.5 Malyan Oo Pound.

 

29-jirkaan heerka caalami haatan wuxuu xulkiisa Portugal kala qeyb qaadanayaa koobka qaramada qaaradda yurub ee France ka socda waxeyna wareegga sideed dhamaadka ku beegmeen Poland, kaliya hal xili ciyaareed ayuuna ka ciyaaray horyaalka Turkish Super Lig.

“Nani wuxuu u ciyaari doonaa Valencia xagaaga soo aadan” ayuu yiri Yildirim oo la hadlayay AMK Sport

Ugu dambeyntiina Luis Nani ayaa u dhaliyay Fenerbahce 8-gool oo qura 28-kulan oo uu kulamada horyaalka u saftay, balse dhamaan tartamada oo dhan wuxuu u dhaliyay 12-gool xilli kooxdiisa ay kaalinta labaad kaga dhameystay horyaalka Turkiga.