Home » Ciyaaraha » Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino Oo Baadhitaan Musuq-maasuq Lagu Sameyn Doono…!

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino Oo Baadhitaan Musuq-maasuq Lagu Sameyn Doono…!
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 7:20 AM

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa diiday in ay xaqiijiso in hogaamiyahooga Mr. Gianni Infantino ku lug leeeyahay wararka wargeyska Jarmal ee Die Welt uu baahiyay, kaas oo uu ku sheegay masuulkan inuu ku kacay musuq-maasuq.

 

Wargeyskan afka dheer leh ee Die Welt ayaa sheegay in baadhayaasha xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA laga yaabo in ganaax 90-cisho ah dusha ka saaraan masuulkan, haddii lagu helo inuu wax is-daba-marin ah sameeyay.

 

Guddiga anshaxa ee FIFA ayaa lagu khasbi doonaa in ay dib u eegid ku sameeyaan dhacdooyinkan soo baxay maalmihii la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, afhayeen ayaa u sheegay Sky Sports News “Waxaan ku jirnaaa baadhis hor-u-dhac ah, waa in aan xaqiiqada ka fikirnaa waxa ay tahay”.

 

“Waxaan si kastaba ha ahaatee jeclaan laheyn inaan cadeyno waxa ka jira dacwada rasmi ah ee ka dhanka ah madaxweynaha FIFA Mr. Gianni Infantino” ayuu hadalkiisi sii raaciyey masuulkani.