Home » Ciyaaraha » Magacyada 13 Cayaaryahan oo Jose Mourinho ka diri doono Man United?

Magacyada 13 Cayaaryahan oo Jose Mourinho ka diri doono Man United?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 4:44 AM

Macalinka Cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in 13 ciyaartoy uu gadayo oo laga iibsan karo, sida lagu qoray El Confidencial.

Macallinka cusub ee United ayaa lagu warramayaa in uu madaxa fulinta ee kooxda Ed Woodward ku wargelin doono Jimcaha, habka cusub ee xagaaga 2016/17 uu kooxda u doonayo iyo xiddigaha uu iska gadayo.

Juan Mata, Ander Herrera iyo Memphis Depay ayaa hogaanka u haya kuwa iibka ah, halka Bastian Schweinsteiger, Marouane Fellaini, Ashley Young, Michael Carrick, Marcos Rojo iyo Sergio Romero ay dhammaan kasoo muuqan karaan safka iibka ah ee Man Utd.

Xataa Luke Shaw mustaqbalkiisa Old Trafford ayaa Halis ku jira, Mourinho waxaa laga warhayaa kooxda uu doonayo. Antonio Valencia iyo Matteo Darmian mustaqbalkooda United isaguna maahan mid cago badan ku taagan.

Kaliya 1 ciyaaryahan ayaan ku jirin halista baqdin ee ah in kooxdu iska iibiso haddii uusan isagu go’aankaas qaadan, waana David de Gea, halka Mourinho uu sheegay in uu laacibkaas ka ilaashan doono Real Madrid.