Home » Ciyaaraha » Man City Oo Ku Qasban Inay Jebiso Rikoorka U Yaalla Suuqa Kala Iibsiga Britain Si Ay Usoo Hesho Pierre-Emerick Aubameyang

Man City Oo Ku Qasban Inay Jebiso Rikoorka U Yaalla Suuqa Kala Iibsiga Britain Si Ay Usoo Hesho Pierre-Emerick Aubameyang
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 12-06-16 7:29 AM

Manchester City ayaa ku qasbanaan doonta inay jebiso rikoorka lacageed ee u yaalla suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Britain si ay usoo xerogeliso Pierre-Emerick Aubameyang – waana seddax sanno ka dib markii ay iska qasaarisay fursad ay qiimo lacageed jaban kula soo saxiixan kartay xiddigaan, sida ay qortay majaladda Sunday People.

Kooxda lacagaha badan ku qarash gareysa suuqa kala iibsiga ee Man City ayaa dalab 65 milyan oo ginni ah miiska u saartay Borussia Dortmund si ay ugala soo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon Aubameyang, balse hore ayey isaga qasaarisay fursad ay keliya 10 milyan oo ginni uga soo iibsan kartay kooxda reer France ee St Etienne ka hor inta uusan ku biirin kooxda Jarmalka ka dhisan.

Tababarihii waqtigaas ee Sky Blues Roberto Mancini ayaa isha ku hayey saxiixa xiddigaan laakiin shaqada ayaa laga raacdeeyey iyadoo lagu bedelay Manuel Pellegrini kaasoo xiddigaan ka saaray liiska ciyaartoydii ay suuqa kala iibsiga ka dooneysay Man City wuxuuna bedelkeeda kooxda keenay Alvaro Negredo iyo Stevan Jovetic.

Taasi waxay wadada u xaartay inuu Aubameyang ku biiro Borussia Dortmund halkaasoo uu kasii watay horumarkiisa kubadda cagta taasoo keentay in loogu codeeyo abaalmarinta Xiddiga Sannadka Qaaradda Africa.

Man City ayaa dib usoo cusbooneysiisay xiisaheedii ay u qabtay Aubameyang dhammaadkii xilli ciyaareedkii tegay 2015 illaa 2017, iyadoo tababaraha cusub ee kooxda Pep Guardiola uu ku amray madaxda kooxda inay 26 sanno jirkaan keenaan Etihad Stadium maadaama uu si aad ah u daawaday qaab ciyaareedkiisa markii uu joogay kooxda ay ku xafiiltamaan Bundesliga ee Bayern Munich.

Laakiin Borussia Dortmund ayaa u sheegtay Man City inay jebiso rikoorka u yaalla suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Britain si ay u hesho xiddigaan xagaagaan, rikoorkaas ayaa waxaa dhigtay Manchester United laba sanno ka hor markaasoo ay 57.9 milyan oo ginni kusoo iibsatay garabkii Real Madrid iyo xulka Argentina Angel Di Maria.

Kooxda ka ciyaarta Bundesliga ayaa dhowaanahaan iibineysay xiddigaheeda ugu muhiimsan, Ilkay Gundogan ayaa ku biiray Man City halka ay Mats Hummels ka iibisay Bayern Munich.