Home » Ciyaaraha » Man United iyo Chelsea oo kawada hadlaya heshiis Cayaartoy isdhaafsi ah

Man United iyo Chelsea oo kawada hadlaya heshiis Cayaartoy isdhaafsi ah
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 12:50 AM

Wararka laga helayo dalka England ayaa sheegaya in kooxaha Chelsea iyo Manchester United ay bilaabeen Wadahadalo ku saabsan heshiis Cayaartoy isdhaafsi ah kaas oo la sheegay in ay Macquul tahay in uu miro dhalo.

Macalimiinta labada kooxood ee Cusub ayaa kala Xiiseynaya Xidigo midba uu is leeyahay waxa uu anfacayaa qaab Cayaareedkaaga Waxaana laga yaabaa in laysku badshao Xidigaha kala ah Nemanja Matic iyo Matteo Darmian.

Jose Mourinho ayaa siweyn u xiiseynaya Xidiga khadka dhexe ee dalka Serbia Nemanja Matic kaas oo uu ku badalan doono Cayaartoyda uu fasixi doono sida lafilayo oo ay ka midyihiin Schneiderlin iyo Blind.

Sidoo kale Macalinka dalka Talyaaniga ee Chelsea Antonio Conte,ayaa aad uga helay qaab Cayaareedka Xidiga Manchester United ee Matteo Darmian kaas oo hada katirsan Xulka qaranka Talyaaniga ee dheelay koobka yurub sidaa daraadeed Waxaa Macquul ah in laysku badasho labadaan Xidig,